Faaf Faahino, Nin Xaaskiisa iyo Saddex qof oo kale ku dilay Muqdisho ka dibna isdilay

Wararka naga soo gaaraya degmadda Wadajir ah ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi nin hubeysan uu ku dilay 4 qof oo Ehel ah.

Dilku waxa uu ka dhacay halka loo yaqaaano sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir.

Ninkaan hubeysan ayaa dilay Xaaskiisa iyo sidoo kale Saddex qof oo kale ka dibna isaga ayaa Isdilay.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu shalay soo iibsaday qoriga loo yaqaano AK 47.

Ruuxa dadka laayay  ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul qaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe.

Maamulka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay dhacdadaan , waxaana ilaa iyo hadda aan la helin Faahfaahin ku saabsan dhacdadaan xanuunka badan.