FAAH FAAHIN :>Dagaal Dhexmaray Ciidamada AMISOM Iyo Al-Shabaab

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Mahadaaay ee Gobolkaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Wadada u galeen Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ka mid ah kuwa AMISOM,waxana dadka deegaanka qaarkood ay wrbaahinta  u sheegeen in mudo saacad ku dhow u halkaasi dagaal ku dhexmaray.

Ciidamada Burundi ee wadada loo galay ayaa ka ambabaxay degmada Mahadaay,iyaga oo Saad u waday Ciidamo kale oo ka tirsan Burundi oo ku sugan deegaanka Cali-fooldheere balse Wadada intii ay ku sii socdeen ay weerarkaas la kulmeen.

n kastoo aan sidhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa hadan dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac dagaalkaas ka soo gaaray.

Mausuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino weerarkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena,waxana goobtii lagau dagaalamay ay saakay tahay mid cidlo ah maadaama Ciidamadii AMISOM ay socdaalkoodii sii wateen.

Al-Shabaab ayaa Bogga ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Burundi,isla markana ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM