Faah faahin:> Dagaal dhexmaray ciidanka dowladda iyo Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Teed oo ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaawarbaahinta u sheegay in Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Teed oo 30-KM ujira magaalada Xudur.

Wuxuu sheegay ragga Shabaab ka tirsan ee weerarka soo qaaday in tiro ahaan ay ku qiyaasayaan 100 dagaalyahan, isaga oo dhanka kale tilmaamay ciidanka fariisinka joogay in ay tiro ahaan gaarayaan 50 askari, balse ay heystaan Hub culus, sidaasi darteedna ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in dhankooda dagaalkan looga dilay Afar askari, iyaguna ay Shabaab ka dileen rag badan oo tiradooda aan la qiyaasi karin, intaasi ayuu raaciyay in ciidan gurmad ah ay u direen deegaanka uu weerarka ka dhacay.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in maanta ay nimankii nabad diidka ahaa soo weerareen deegaanka Teed, ciidan dowladda ka tirsan iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ku sugnaa halkaasi, dagaal culus ayaa dhexmaray, nimanka weerarka soo qaaday tiro ahaan waxaa lagu qiyaasay 100 qof, balse ciidankeena way iska difaaceen, dhankeena waxaa nagala dilay Afar askari, iyaguna waxaan ka dilnay tiro badan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Xudur.