Faah Faahin Dagaal ka dhacay Dhuusamreeb

Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka Soo baxaya Dagaal Maanta Magalada Dhuusamareeb Ku Dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Dowlada Somaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Xarunta Ciidanka Nabadsugida ee Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la sheegay in uu salka ku haayo adeegsiga bar koontrol oo Ciidamada haramcad ay maamulaan kaasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka maanta ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Ruux oo isugu jira Ciidamada dagaalamay iyo dad Shacab ah,waxaana istaagay dagaalkaas, iyada oo Dhuusamareeb ay ka socdaan waan waan lagu xalinaayo dagaalka.

Xalada Magalada Dhuusamareeb Ayaa hada ah Mid degan Waxaana Caadi Ku Soo laabtay isku Socodka dadka iyo Gaadiidka.