Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kasas oo ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka oo la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Teerage ee kuyaala Galbeedka Gaalkacyo,waxaana wararka horudhaca ah ee la helay ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen laba Askari halkabay ku dhaawaceen Saddex kale.