Faah Faahin :>dil ka dhacay Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay koox hubeysan ay magaaladaasi ku dileen nabadoon si weyn looga yaqaano halkaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa waxa uu dilkiisa si gaar ah uga dhacay gurigiisa, waxaana lagu magacaabi jiray nabadoon Maxamed Saciid Cawaare.

Booliska magaalada Boosaaso ayaa waxa ay saakay hawlgallo ka bilaabeen nawaaxiga xaafada uu dilka dhacay, waxayna ku raadjoogaan raggii dilka geystay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in tiro dad ah loo soo qabtay dilkan, inkastoo laamaha ammaanka aysan faah faahin ka bixin hawlgalkan ay wadaan.

Magaalada Boosaaso ayaa ah magaalada ugu badan ee falalka amni daro ka dhacaan degaanada Puntland, marka laga reebo magaalada Galkacyo oo ay ka wada arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.