Faah faahin: Dil xalay ka dhacay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin Ganacsi ku lahaa suuqaasi, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kuulow.

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa beegsaday ninkan, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, kadib Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay goobta uu dilka ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn in ay ku sugnaayeen Ciidamo, balse aanay ku bixin falkan.

Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyay dilkan, waxayna sheegeen ilaa hadda in aysan garaneyn sababta ka dambeysa dilka Xuseen, waxayna tilmaameen inuusan weligiisa faraha la gelin siyaasad ama wax kale oo lagu beegsan karo.

Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan mararka qaar uga dhaca Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta ururka Al-shabaab.

Jahwareer dhanka amniga ah ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, maalmahan waxaa dhacayay dilal iyo qaraxyo, taasi oo dadka ay ku sheegeen in amniga uu saameyn ku yeeshay Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.