Faah Faahin Guddomiyaha G/Shabeellaha Hoose Iyo Masuuliyiin Kale Oo Qarax Lagu Dhaawacay

Guddoomiyaha  gobolka Shabeellaha Hoose iyo wafdi uu la socday oo ay ka mid ahaayeen Wariyayaal ayaa Goordgow waxaa qarax lagula eegtay xilli ay ku socdaalayeen Wadada u dahxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka-dheer.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah Gawaarida wafdiga,waxana Warark aan heleyno ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha G/Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha  Ayaan Xasan,halka qaar ka mid ah ilaalada Wafdiga ay geeriyoodeen.

Wariyayaal la socday Wafdiga oo ku sii jeeday gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay bad qabaan,isla markaana masuuliyiintii iyo askartii qaraxaas ku dhaawacantay loo soo qaaday Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.