Faah faahin: kasoo bexeysa Madaafiic ku soo dhacday Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Tiro Hoobiyeyaal ah oo duhurnimadan maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoobiye-yaashan oo aan weli la garanayn halka laga soo tuuray, ayaan sidoo kale la aqoon halka uu bartilmaameydkoodu ahaa, iyada oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa warfidiyenka u sheegay in ku dhowaad ilaa Lix Hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen xaafadaha Baar-ayaan, Cali-kamiin iyo aagga Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho.

Waxaa la sheegay in Madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, khasaaraha ugu badan ayaa Madaafiicdan waxa ay u geysteen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taalla demada Warta-nabadda.

Saraakiisha gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay inoo sheegeen in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan Gaadiidkooda, waxayna soo qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Madaafiicdaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiicdan ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Lix qof oo kale, kuwaasi oo isugu jira rag iyo Dumar.

Maamulka degmada Warta-nabadda iyo Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta ay ku soo dhaceen Madaafiicda, waxayna wadaan baaritaanada la xiriira falkan iyo halka loo maleynayo in laga soo tuuray Hoobiyeyaasha.