Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray howlgal ay ka sameeyeen hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo saacado ah ka dagaalamayeen Xubno ka tirsan ururka Al Shabaab.
Xubnaha Al-Shabaab ayaa saacidihii ay gudaha ugu jireen hoteelka ku dilay in ka badan 10 qof oo isugu jira mas’uuliyin iyo Shacab,waxaana jira dad kale oo weerarkaasi ku dhaawacmay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in weerarka hoteelka Elite ay ku geeriyoodeen 16 Ruux oo 11 kamid ah ay yihiin mas’uuliyiin & Shacab halka 5 kale ay yihiin Xubnihii weerarka geystay ee Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 13 Ruux oo uu kamid yahay qof aad u da’yar,isla markaana Ciidamada Dowladda ay xalay howlgalkaasi soo afjareen.
Dadka Caanka ah ee weerarka Hotelka Elite ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ah Cabdirisaaq Cabdi, Agaasimihii Xiriirka Warbaahinta Maamul goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga, Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washinton, Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV ga Qaranka iyo Fanaanad Faaisa beella.