Faah Faahin: Qarax Ciidamo lagula eegtay Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya lagula eegtay meel waxyar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada qaraxa lala eegtay oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka Danab ayaa waxa ay saarnaayeen gaari Cabdi Bile ah, waxaana ay ka ambabaxeen degmada Wanlaweyn, iyaga oo ka yimid saldhigga Millitari ee Balidoogle.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji ayaa warbaahinta  u sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex askari oo midi uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Danab oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Cabdi Saciid.

Sidoo kale maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan in ay ku dhaawacmeen ilaa Lix askari, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

“Meel Wanlaweyn ku dhaw ayaa qarax ka dhacay Saddex Askari oo mid uu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Danab oo dhawaan la dalacsiiyay, Lix askari oo kalena way ku dhaawacmeen, waxaa socda baaritaano ay wadaan ciidamada, waxaana lagu daba jiraa raggii falkan ka dambeeyay.” Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax.