Faah Faahin Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasoo ahaa mid lagu xiray gaari Noociiso uu yahay Hilux oo la sheegay in uu lahaa shaqsi ka mid ah dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal  ma jirto qof wax ka noqday,maadaama gaariga qarxay uu yaallay Meel Wadada dhinaceeda ah oo aysan jirin cid saarneyd.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan gawaaridda lagu xiro waxyaabaha Qarxa, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.