Faah Faahin: Qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax xalay fiidkii ka dhacay banaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha gobolkaasi.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay bambo gacmeed lagu tuuray barkontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, halka warar kale ay sheegayaan in in qaraxan uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.

Dadka ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in ay maqleen dhawaqa qaraxa, intaasi kadibna ay dareemeen cabsi, taasina ay keentay in goor hore ay ku xaroodaan guryahooda.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen laba askari, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex askari oo kale, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka ayaa sheegay in ay hayaan xogta raga weerarkan ka dambeeyay, waxayna tilmaameen in lagu daba jiro oo gacanta lagu soo dhigi doono.

Shabaab oo warkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxay sheegteen masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in ay dileen Afar askari, halka ay dhaawaceen 7 askari, iyaga oo sidoo kale tilmaamay dadka qaraxan lagu waxyeeleeyay inuu ka mid ahaa Madaxa maaliayadda degmada Wanlaweyn.