Faah Faahin qarax ka dhacay Gaalkacyo

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyay Al-baabka laga soo galo Garoonka Ciyaaraaha ee Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo halkaasi oo ay ka socotoy Xaflada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug.

Ruux ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Askar ka mid ah ilaalada Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay qaar ka mid ah ilaalada Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadweyne Farabadan oo ku howlanaa soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in ay goobta ku sugnaayeen.