Faah Faahin Qarax Lala Eegtay Ciidamo Katirsan AMISOM

Qaraxaan ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka SOS oo ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Isbitaalka SOS ee Muqdisho.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbahinta ayaa u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen rasaas farabadan,taasi oo aan weli la ogeyn Khasaaraha ay geysatay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in mid kamid ah Kolonyadii ay la socdeen Ciidanka AMISOM uu la haleelay qarxaas miinada ahaa,iyadoo intaasi kadib iska sii wateen socdaalkooda.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee AMISOM ka soo gaaray qaraxaas lagula eegtay Isbitaalka SOS ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Inta badan Kolonyada ay la socdaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qaraxyo nooca dhulka la aaso ah waxaa lagula eegtaa Degmada Hiliwaa xiliyada halkaas ay socdaalka ku marayaan,waxaana ka dhasha Khasaaro kala duwan.