Faah Faahin Qarax Qasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Muqdisho-Mull oo ah goob Ganacsi oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Tobaneeye ruux ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku geeriyoodeen,waxaana jira dad guryahooda ay kusoo dumeen sidaasina ay ku geeriyoodeen.

Waxaa sidoo kale jira in qaraxaasi uu ku dhaawacmay Wariye ka tirsan Warbaahinta dowladda oo lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Biibaaye.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay burburka Goobo Ganacsi iyo Gawaari goobta taalay,waxaana weli socda gurmad ay wadaan gawaarida gurmadka deg dega.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla Goobo Ganacsi oo aad u farabadan,waxaana sidoo kale ay aheyd goob mashquul badan oo dad badan ay u soo adeeg dooonteen.