Faah-faahin:-Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa guud ahaan joogsaday Rasaastii ka socotay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya oo maanta ay ka dhaceen Qaraxyo iyo sidoo kale Weerar toos ah.

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku sugan dhammaan Goobihii ay wax ka dhaceen.

Labadda Qarax ayaa ka kala dhacay dhabarka ee Hoteel SYL iyo  Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Ma jirto hadda wax rasaas ah oo socota, waxaana muuqataa in weerarkii lasoo Afjaray.

Wali lama xaqiijin karo in la toogtay dableydii Weerarka soo qaaday iyo sidoo kale in ay baxsadeen, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Hay’addaha Ammaanka.