Faah Faahin Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa koowaad  ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Odweyne ee degmada deeyniile,waxana laamaha aniga ay xaqiijiyeen in uu ahaa Gaari Kaarib ah oo ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah la qaraxaday,sida ay xaqiijieyen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyootay laba ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmen kuwaas oo loo qaaday mid ka mid ah Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa Goobta gaaray si ay baaritaan ugu sameeyaan dadkii ka dambeeyey qaraxaas,waxana la sheegay in gaariga miinada la kacday ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ku qaraxday goob lagu aasay oo u dhow Warshada Biyaha Caafi oo ku taalla Wadada Warshada,iyada oo asyan jirin wax khasaaraha ah oo ka dhashay qaraxaas.