Faah Faahin Qarixii Labaad Ee Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax laabad oo khasaaro geystay oo Maanta ka dahcay Koontorool ay Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin meel u dhow Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qarxa oo ahaa gaari nooca raaxada ah oo lagas oo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in qaraxa ka hor rag hubeysnaa oo gaariga saarnaa iyo ciidamada Nabadsugida uu maran dhexmaray,iyada oo intaasi akdib gaarigii uu qarxay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay,waxana saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ay sheegeen in ay ku dhinteyn Saddex Nin oo hubeysnaa oo gaariga watay iyo laba ka mid ah Askarta dowladda ee Koontoroolka ku sugnaa.

Sidoo kale qof ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa in qalabka Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in qaraxa ka hor goobta lagu kala cararay kadib markii saddex nin oo gaariga watay iyo Ciidamada Nabadsugida ay is rasaaseyn dhexmaratay.

Waa qarixii labaad oo mudo saacado ah gudahood ka dhaco Magaalada Muqdisho,waxana labada qarax khasaaro yaraa kii ka dhacay Koontoroolka Wadada aada Garoonka Aadan-Cadde ee ka baxda km4