Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay Aroortii ay duqeyn la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Shabaab waxaa ay sheegteen in ku dhawaad 13 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga xilli heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan meel u dhow Saldhigga ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta madaafiic xoogan, oo la garan waayay halka ay ku dhacayaan iyo meesha laga soo tuuray.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaan ka dhashay, inkastoo ay adag tahay helida xogta rasmiga ah ee ku saabsan madaafiicda lagu weeraray xeradan ciidan.
Saldhigga ayaa ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu tababaraa ciidamo Soomaali ah,Sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad 1000 Askari oo ka socda dalka Turkiga.