Faah Faahin; Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhig ku yaalla gobolka Bari

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin degaanka Bali Qadar eeĀ  Gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in dagaal culus uu ka dhacay Saldhigga ,islamarkaana Shabaab ay dhowr Jiho ay ka weerareen degaanka.

Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo Weerarkaasi ka dhashay.

Shabaab waxa ay sheegteen in ay cagta mariyeen Saldhiggii ciidamada Puntland ee degaanka Balli qadar.

Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Bari.