Faah Faahin Weerar Lagu Qaaday Fariisin Ay Leeyihiin Ciidamada AMISOM

Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Muqdisho.

Xalay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho

Dadka deegaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in Ciidamada AMISOM ay dhankooda ugu jawabeen Al-Shabaab madaafiic taas oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaraha ka dhashay.

Dadka ku nool Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in xalay ay siweyn u maqlayeen dhawaqa madaafiicda la isku ridayay,isla markaana ay cabsi soo wajahday,waxana lagu soo waramayaa in xaalada ay iminka tahay mid degan.S