Ku dhowaad 50 Nin oo ah kuwa Dhibowga ee lagu tababaro Xeradda Harqaboobe oo wata Budad iyo Tooreeyo ayaa isku dayay in ay Weeraraan Saldhigga Booliiska Degmadda Guriceel.
Iska horuimaad muddo kooban socday ayaa waxa uu dhexmaray Askarta Dhibowga ee Tababarku u socdo ee Weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Booliiska iyo kuwa Nabadsugidda oo iyaguna isku dhinac oo weerarka lagusoo qaaday Saldhigga ka hortagay.
Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku dhaawacmay oo ah Askarta Weerarka soo qaaday, waxaana Magaaladda laga maqlayaa Rasaas goos goos ah.
Saraakiisha Amniga Guriceel oo Radio Galgaduud ay la xariirtay ayaa sheegay in ay soo afjareen Howgallo ay sameeyeen isla markaana lasoo xiray Ragga weerarka soo qaaday.
Askarta Dhibowga ee lagu tababaro Xeradda Harqaboobe ayaa qaar kamid lagu eedeeyay in Habeenkii ay soo gallaan Magaaladda Guriceel ayna Dadka Shacabka ka dhacaan Telefanadda Gacanta iyo Allaabo kale taas oo keentay in qaar kamid ah lasoo xiro kadib Howlagallo ay sameeyeen Ciidanka Amniga Guriceel.
Ciidankan oo ay Tababarto Dowladda Somaliya ayaa laga keenay Degaanno kala duwan oo Somaliya ah waxa ayna ku xareysanyihiin Xerradda Harqaboobe ee ku taalla Duleedka Bari ee Degmadda Guriceel.