Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar hoobiyeyaal ah oo xalay lagu qaaday saldhiga Ciidamada AMISM ku leeyihiin Xaafada Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in hoobiyeyaasha, kadib uu jiray dagaal toos ah oo socday ku dhawaad saacad, kaas oo dhex-maray Ciidamada AMIOSM iyo Al-Shabaab, sidoo kale hoobiyeyaal ay ku dhaceen meelaha qaar balse aysan geysan wax khasaaro ah.
Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo gurmad u ah Ciidamada AMIOSM ayaa tegay Xaafada Arbacow, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka Hoobiyeyaasha iyo dagaalka tooska ahaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada AMIOSM ee Xaafada Arbacoow ee Ceelasha Biyaha.
Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa Saldhig weyn ku leh Ciidamo ka tirsan AMIOSM gaar ahaan Burundi, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab.