Faah Faahin;>Dagaal Ka Socda Xaafad Ka Tirsan Magalada Muqdisho

Dagaalkaan oo Maanta duhurkii soo bilaawday ayaa waxa uu weli ka socdaa Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda balse u qaab beeleed u abaabulan,waxana la sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjooge ku sugan halka dagaalka uu ka socdo oo ah Kaawa Godeey gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Dhanaanoow ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada dagaalka uu dhexmarayo ay isku-heystaan dhul halkaasi ku yaalla.

Shalay ayuu dagaalkaas xaafada ka bilaawday,xalay wuu joogsaday laakin duhurkii ayuu bilaawday guryaha ayaan ku jirnaa banaanka looma bixi karo,waayo rasaas ayaa socota,welina khasaaro ma sheegi karno ayuu yiri qof ku sugan Goobta uu dagaalka ka socdo.

Maamulka degmada Dharkenley iyo taliska booliska degmadaas weli kama hadlin dagaalkaas,waxana xaaafada Kaawa godeey qeybta degmada dharkenley uu yahay dagaalka mid ku soo lab laabtey.