Faah Faahin:>Dagaalka Degmada Xarardheere Ee G/Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo saakay waaberigii ka qarxay tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegen in ay ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay dadka deegaanka weeydiiyeen lacago iyo dhalinyaro ka barbar dagaalanta balse dadka deegaanka ay diideen.

Qof ka ka mid ah dadka ku nool deegaanada ay dagaalada ka socdaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka shacabka ah ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana ay dagaal kala hortagaan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in dagaalkaas uu ka dhashay,saddex ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay dagaalkaas halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Weli waxaa socda gurmadyo kala duwan oo ay sameynayaan labada dhinac,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi dareemayaan.

Masuuliyiinta sar sare ee Maamulka Galmudug weli wax war ah kama soo saarin dagaalka u dhaxeeyey dadka Shacabka iyo Al-Shabaab ee ka dhacay tuloyin hoostaga degmada Xarardheere.