Faah Faahin:>Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

Duqeyntaan ayaa waxa ay dhacday shalay gelinkii dambe waxaana ay ka dhacday meel u dhow tuulada Qalimow oo 30km dhinaca Koofur uga beegan Magalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaah dhexe.

Xillliga duqeynta dhaceysay ayaa dadka ku nool tuulada Qalimow waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay isaga baxeen Al-Shabaab oo shalay Gabaldhicii gudaha u galay ka dib markii ciidamada dowladda ka baxeen.

Dhowaaq culus ayaa la maqlay deegaanka Qalimow,waxaana dadka halkaasi ku sugan ay sheegen in jugta ay aheyd mid aan tuulada ka fogeyn balse aysan cadeyn Karin cida lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala beegsaday gaadiid ay wateen Al-Shabaabkii la wareegay Qalimow balse aysan cadeyn Karin khasaaraha lagu gaarsiiyey.

Weli lama cadeyn cida fulisay duqeyntaas,balse waxaa gobolada dalka qaarkood mar walba duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya diyaarado Mareykan ah oo taageero siinaya Ciidamada Dowladda Federaalka