Faah Faahino: Dagaalka degaanka Tukaraq

Waxaa joogsaday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland, kaasi oo saakay aroortii ka bilowday degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliyaha ciidamada Millitariga Somaliland Nuux Taani ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Puntland hore weerarka soo qaadeen, dhanka kale Puntland war ay soo saartay waxay ku sheegtay in Somaliland ay duulaan ku soo qaaday ciidanka Puntland ee ku sugan Tukaraq.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ilaa hadda si sax ah looma cayimin, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadan, sidoo kale gaadiid ayaa lagu gubay dagaalka.

Shalay oo ugu dambeysay Guddiga Difaaca Puntland ayaa waxa ay soo saareen go’aano culus oo la xiriira xiisada labada maamul, waxayna sheegeen cidii taageerta Somaliland in lagu fulin doono dil toogasho ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Beesha Caalamka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa baaqyo nabadeed horey ugu diray dhinacyada isku haya Tukaraq, waxayna tilmaameen wixii tabasho ah in ay muhiim tahay in lagu dhameeyo wada hadal.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa Madaxda labada maamul ku eedeeyay in ay yihiin Hoggaamiyeyaal aan u diirnaxeyn shacabka, maadaama ay ku dul dagaalamayaan, iyada oo shacabka ay sooman yihiin, lana kulmayaan Dabeylo xoogan Duufaano wata.