Faah Faahino Ksoo baxaya Qarax Maanta ka dhacay Wanlaweyn

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Qarax Miino ayaa duhurnimadii maanta ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagula eegtay meel u dhaw degmadaasi.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay meel 8 KM ujirta degmada Wanlaweyn, waxaana ay u dhaxeysaa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, gaar ahaan waxay bariga ka xigtaa Wanlaweyn.

Gaariga uu qaraxa qabsaday ayaa waxa uu ka soo baxay saldhiga ciidanka Kummaandooska ay ku leeyihiin degaanka Balidoogle, iyada oo uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wanlaweyn ayaa waxa uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 10 askari, halka ay ku dhaawacmeen ilaa laba kale.

Dadka dhintay ayuu Guddoomiye kuxigeenku sheegay inuu ku jiro Taliye Horin oo Guutada 6-aad Taliye ka ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Cadoow.

“Wallaal gaari ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lala beegsaday qarax, qaraxaas waxaa ku dhimatay 10 asdkari[, labana way ku dhaawacmeen, askarta guuitada lixaad ee ciidanka xoogga ayay ka tirsanaayeen, gaariga Balidoogle ayuu ka soo baxay, Taliye Horin ayaa ku jiray askarta geeryootay, qaraxyada nuucaan dad ayaa lagu yaqaanaa.” Ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn.

Dhammaan askarta wax ku noqotay qaraxan ayaa waxaa la geeyay xerada Balidoogle, si kuwa dhaawaca soo gaaray xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ciidanka dowladda ayaa gurmad ahaan u tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen Hal ruux oo tuhun ah, kaasi oo ay baaritaano ku socdaan.

Hadii aan dib idin xusuusino isla shalay degmada Wanlaweyn waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah, kaasi oo lala beegsaday suuq yar, waxaana ku geeryootay dad ka badan 10 qof, oo u badnaa shacab.