Faah Faahino:> Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Jugta Qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay afaahfaka hore ee Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo gaari,isla markaana uu ku qarxay afaafka hore ee Iskuul Buluusiya ee Muqdisho,waxaana kasoo baxaya warara kala duwan

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qarax la maqlay rasaas xoogan ay rideen Ciidamada dowlada oo xiligaas ku sugnaa halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa daqiiqado kahor gaaray halkaasi,waxaana ay ay xireen aaga uu Qarax ka dhacay,weli lama oga khasaaraha uu geystay qaraxaas.