Faah Faahino Qarax Kadhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa gaari Surf Madow ah oo  laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Shineemo Nasri oo u dhow Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay in saakay ay ka shakiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kadib markii uu soo galay wado Ciidamada ay dhowr bilood ka hor xireen,isla markaana ay dhigeen Carro farabadan.

Hayeeshee Ciidamada Dowladda ay ku amreen dadkii gaariga waday inay soo degaan balse ay diideen ilaa markii dambe Ciidamada ay gaariga rasaaseeyeen sidaasina uu ku qarxay,sida uu warbaahinta u sheegay qof goobjooge  ahaa xilliga uu qaraxa uu dhacayay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaasi aysan wax ku noqon dad Shacab ah marka laga reebo shaqsi watay gaariga,waxaana sidoo kale uu burbur xoogan u geystay qaraxa guryo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho kaas oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,hayeeshee la sheegay in Ciidamda Ammaanka ay ka hortageen.