Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Magalada Muqdisho kaas oo geystay khasaara isugu jira dhiamsho iyo dhaawac ,waxaana uu yahay qarixii labaad ee Maanta ka dhcaa Magalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid uu sababay gaari la dhigay Maqaaxi lagu Magacaabo Barwaaqo oo ku taalla agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waaberi,waxana jira khasaaro kasoo gaaray dad wadada marayey iyo kuwa maqaayada ku sugnaa.
Gawaarida gurmadka deg dega ah Aamin Ambulance oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay xaqiijiyeen inay qaadeen dhaawacyada ilaa 13 ruux,halka sidoo kale warar aan helnay ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhaawacmay.
Wa qarixii labaad oo Maalin gudahood ka dhaco Magalada Muqdisho,waxana isla Maanta qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay agagaarka Hotel lagu Magacaabo Mubaarak oo u dhow Isgoska Shaqaalaha, iyada oo qaraxaas aysan cid wax ku noqon.