Faah Faahino;Dagaal saakay ka socda degaanka Tukaraq

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq oo colaadiisa ay soo laa laabatay, dagaalkan wuxuu yahay mid culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Saraakiil ka kala tirsan labada dhinac ayaa xaqiijiyay dagaalkan, weli faah faahin badan oo dagaalkan la xiriirta lama hayo, maadaama hubka dhacaya oo aad u culus darteed xitaa aanan si wanaagsan la isaga maqli karin telefoonada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay kala qabsadeen gaadiid dagaal, ayna jiraan khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Wariyeyaal ku sugan gobolka Sool ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan gaarayaan, iyada oo ay jirto in hub culus lala helay gaadiid Sahay iyo mid Shidaal oo labada maamul ay kala wataan, kuwaasi oo aagga uu dagaalka ka socda ku gubanaya.

Shalay oo ugu dambeysay Guddiga Difaaca Puntland ayaa waxa ay soo saareen go’aano culus oo la xiriira xiisada labada maamul, waxayna sheegeen cidii taageerta Somaliland in lagu fulin doono dil toogasho ah.

Xaaladan kacsan ee saaka lagu soo waramayo inay ka taagan tahay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Beesha Caalamka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa baaqyo nabadeed horey ugu diray dhinacyada isku haya Tukaraq, waxayna tilmaameen wixii tabasho ah in ay muhiim tahay in lagu dhameeyo wada hadal.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa Madaxda labada maamul ku eedeeyay in ay yihiin Hoggaamiyeyaal aan u diirnaxeyn shacabka, maadaama ay ku dul dagaalamayaan, iyada oo shacabka ay sooman yihiin, lana kulmayaan Dabeylo xoogan Duufaano wata.

Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.