Faah faahino>ka Soo baxaya dagaal Ciidamada dowlada iyo Alshabaab ku dhexmaray duleedka degmada Marko

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo  Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Saliini oo ku yaalla duleedka degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda  ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaro ka soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda,sidoo kale uu jiro khasaaro soo gaaray dad Shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow saldhiga la weeraray.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Saliini ee Gobolka Shabeellaha Hoose,wallow aysan jirin dad madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno deegaankii lagu dagaalamay iyo deegaano kale ee ku dhow dhow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan wallow xilligaan uusan jirin wax dagaal ah.