Faah Faahino:>Qarax lala Eegtay Ciidamo itoobiyaan ah

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Ilbaq oo hoos yimaada degmada Balcad   kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa  Qarax lagula eegtay degaankaasi xilli ay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Jowhar.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka AMISOM, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxan.

Qaar ka mid ah degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka AMISOM ay rasaas fureen Markii Qaraxaasi lala eegtay, waxaana hadda degaankaasi gaaray Ciidamo Gurmad ah oo ka tegay dhanka degmada Balcad.

Ciidanka AMISOM ayaa inta badan lala eegtaa Qaraxyo xilliyadda ay ku jiraan Safarada, waxaana inta badan Mas’uuliyada Qaraxyadda sheegta Al-Shabaab.