Faah Faahin:>Qarax lala Eegtay Cidamo katirsan Dowlada

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya,xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Ciidamada Dowladda kasoo gaaray qaraxaas,hayeeshee aysan tirada rasmiga ah cadeyn Karin.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas, iyaga oo Baraha ay wararka ku qoraan ku sheegay in qaraxaasi ay la heleen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen Ciidamada Dowladda,isla markaana ay ku dileen 5 askari wallow aysan jirin dad ka madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Maamulka Gobolkaas weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda lagula eegtay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.