Faah Faahi:>Qarax kadhacay Afgooye

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan degmada Afgooye.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid Ismiidaamin ah.

Ismiidaamintaan ayaa lagu qaaday Xero ciidamada ay ku leeyihiin Wakaaladii hore ee Biyaha Degmada Afgooye oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Somaliya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Degmada Afgooye ayaa Risaala u sheegay qaraxa inuu ahaa Ismiidaamin, aysana garaneyn Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.