Faahfaahin Qarax Dad ay kudhinteen oo ka dhacay Duleedka Jowhar

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle sidda ay warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu ka dhacay Kontoroolka Degaanka Xaanshooleey oo 4 Km Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar.

Dadka dhintay 2 ka mid ah waa Ciidamada dowladda, halka qof kalena uu yahay Shacab.

Qaraxa waxaa uu ahaa Miino lagu Aasay wadada dhinaceeda.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo ka baxay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.