Faahfaahino kala duwan oo kasoo baxaya qarax caawa maqribkii ka dhacay Caasimada Muqdisho.

Jugta Qaraxyo culus ayaa maga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, xilli dadka ay ku jireen  afurka, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira Qaraxyadaasi.

Degmooyinka, kala ah Wadajir, Xamarweyne iyo Shangani ayaa siweyn looga maqlay jugta qaraxyada, waxaana dadka Shacabka ah ay dareemeen cabsi xoogan oo ku aadan inay waxyeelo soo gaarto.

War kasoo baay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu yiri” Wargalin:-waxaan ku wargalineynaa Shacabka ku nool Caasimada, in ay san wax khasaara ah aysan geesan dhawaqa ay maqlayeen waxeyna ahaayeen Qaraxyo dheemish ah oo ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ku qal qalgalinayeen ummada muslimiinta ah wakhtigii afurkaWaxaana la ga hortagay qeyb ka mid ah ayagoon Qarxin.

Dhowr jeer ayaa laamaha Amniga Soomaaliya sidaan oo kale u sheegeen in qaraxyo laga maqlay Magaalada muqdisho ay ahaayeen dheemish ay soo rideen Al-Shabaab, kaas oo ay ku doonayaan inay Amniga Magaalada ku khalqal geliyaan.