Faahfaahino kasoo baxaya dagaal udhexeeye ciidmada dowlada iyo Alshabaab oo ka dhacay Sh/hoose

agaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lagu Magacaabo Ababaay oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la sheegay in ay kusii jeedeen degmada Baraawe.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu sababay Khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidamada AMISOM ay kaga gubeen gaari taanki.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi uu socday muddo Saacaddo ah , islamarkaana ay ku dileen Askar ka tirsan ciidamada AMISOM.