Faahfaahino kasoo baxaya koox dableey oo Al-shabaab oo weerar qaraxyo bilowday ku qaaday Xarunta Dowlada Hoose ee G/Banaadir

Koox Dabley ah ka tirsan Al-Shabaab lagu qiyaasay ilaa Shan ruux, ayey sheegayaan xogaha aan helnay iney weerar qaraxyo ku bilwoday ku qaadeen xarunta maamullka gobolka Baanaadir, waxaana socda dagaal fool ka fool ah.

Xogaha ayaa intaasi kusii dara in kooxaan weerarka qaaday mid kamid ah uu is qarxiyay, halka labo kale ay toogteen ciidamadda amniga eek u sugnaay aaga Xarunta , waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose la dhex maqlayaa dhawaqa daryanka rasaasta labadii dagaalame oo Shabaab ahaa ay ridayaan, iyadoo mararka qaar la maqlayo qaraxya waa weyn oo ka dhacaya gudaha xarunta maamulka G/Banaadir taasi oo ah gawaaridii ay ka dageen kooxda dableyda oo ay goobta hore uga sii tagteen isla markaasne qarxayaan,

Waxaa jira khasaare culus oo ka dhashay weerarkan, waxaana dagaalka haatan kusoo biiray ciidamadda sida gaar ah u tababaran Haramcad oo howlgalka guud la waeeegay.

Inta badan waxa lasoo badbaadiyey Masuuliyiintii Maamulka iyo Shaqaalihii Xarunta ee ku sugnaa gudaha Xarunta.