Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo Booqday Xarunta Gaheyr

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo iyo indho-indheyn ah ku tagay Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, si ay u qiimeeyaan heerka uu marayo mashruuca dib-u-dhiska iyo casriyeynta xaruntaasi oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha waxbarashada sare ee dalka.

Kormeerkan ayaa yimid xilli ay si xawli ah ku socdaan howlaha dhismaha xarunta, iyadoo dowladda iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siinayaan dib-u-soo nooleynta xarumaha waxbarasho ee qaranka, si loo helo goobo waxbarasho oo tayo leh, casri ah, isla markaana dabooli kara baahiyaha sii kordhaya ee ardayda Soomaaliyeed.

Intii ay ku sugnaayeen xarunta, Wasiirka iyo Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay masuuliyiinta mashruuca iyo injineerrada gacanta ku haya howlaha dhismaha. Warbixinta ayaa lagu sharaxay heerka uu marayo mashruucu tan iyo markii la dhagax dhigay 2-dii May, shaqooyinka la qabtay muddadaas, iyo qorshayaasha la xiriira wejiyada xiga ee dhismaha.

Masuuliyiinta mashruuca ayaa tilmaamay in howlaha dhismaha ay ku socdaan jadwalkii loo qorsheeyay, isla markaana la sameeyay horumar muuqda oo la xiriira dhismaha iyo diyaarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee xarunta. Waxa kale oo ay sheegeen in dadaallo dheeraad ah lagu bixinayo sidii mashruuca loogu dhammaystiri lahaa waqtigii loogu talagalay iyadoo la ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee looga baahan yahay xarun waxbarasho oo casri ah.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa bogaadiyay shaqada ay wadaan injineerrada iyo shaqaalaha mashruuca, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xarumo waxbarasho oo tayo sare leh. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo mustaqbal ifaya iyo bulsho aqoon ku dhisan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay tahay astaan qaran oo door weyn ka soo qaadatay soo saarista aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la sii xoojiyo awooddeeda iyo adeegyada ay bulshada u hayso. Wuxuu tilmaamay in casriyeynta Xarunta Gaheyr ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare iyo dib-u-soo nooleynta hay’adaha waxbarasho ee qaranka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in maamulka jaamacaddu uu si dhow ula socdo dhammaan marxaladaha mashruuca, isaga oo xusay in xaruntan cusub ay wax weyn ka tari doonto baahiyaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in marka la dhammaystiro xarunta ay noqon doonto goob waxbarasho oo leh fasallo casri ah, xafiisyo, adeegyo arday iyo xarumo kale oo muhiim u ah horumarinta tacliinta sare.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu ku howlan yahay qorsheyaal ballaaran oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada, kor loogu qaadayo cilmi-baarista, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada ay jaamacaddu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo howlaha socda, lana xaqiijiyo in mashruuca dib-u-dhiska iyo casriyeynta Xarunta Gaheyr lagu dhammaystiro si waafaqsan qorshaha loo dejiyay. Waxay adkeeyeen in xaruntan ay noqon doonto deegaan waxbarasho oo casri ah, tayo leh, isla markaana ka jawaabi kara baahiyaha sii kordhaya ee jiilka cusub ee ardayda Soomaaliyeed, taas oo qeyb ka noqon doonta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo aqoonta dalka.