Fabinho Oo Durba Qaaday Talaabo Ka Farxisay Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Anfield Ugu Yeeray Xidig Ay Kooxda Si Weyn U Dooneysay.

Saxiixa cusub ee Liverpool Fabinho ayeysan waqti ku qaadan inuu qalbiga jamaahiirta Liverpool soo jiito kadib markii uu garoonka Anfield ugu yeeray xiddiga ay kooxda sida weyn ugu raad joogto ee Nabil Fekir.

Xiddigaan reer Brazil ayaa ugu soo biiray Liverpool aduun dhan 44 Malyan oo Pound oo u dhiganta 50 Malyan oo Euro, wuxuuna noqday saxiixii ugu horeeyay ee Jurgen Klopp uu sameeyo kadib fashilkii koobka horyaalada yurub.

Waxyar kadib imaatinkiisa Fabinho ayaa u warramay idaacadda RMC Sports ee laga leeyahay dalka France isagoo Nabil Fekir u sheegay inuu la jeclaan lahaa imaatinka gobolka Merseyside.

“Waa ciyaariyahan fiican, kaas oo heer caalami ah” ayuu yiri Fabinho oo ka hadlayay Nabil Fekir isla markaana u warramayay idaacadda RMC Sport.

“Horyaalka League 1, kaliya maahan fasal ciyaareedkaan inuu sameeyay wax aan caadi aheyn. Sanado badan ayuu tayadiisa soo bandhigay, hadii uu halkaan yimaado waxey noqon laheyd wax fiican sidoo kale”

Fekir ayaa xalay guul gaarsiiyay qaranka France kulan ay 2-0 ku dileen Ireland, isagoo ka mid ah ciyaartoyda uu Dechamps siiyay fursadda ay ku iftiimiyaan waayahooda ka horreeyay.

Nabil dhawaan ayuu sheegay inuu u baahan yahay waqti uu go’aan ku gaaro, waxaana ugu cad-cad arintiisa kooxda Liverpool.