Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, kadib markii la sheegay in xildhibaanno badan iyo guddoonka Golaha ay safar rasmi ah ugu maqanyihiin Jamhuuriyadda Jabuuti. Safarkaasi wuxuu la xiriiraa munaasabadda lagu maamuusayo 25 sano guuradii kasoo wareegtay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta, kaas oo door weyn ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Warar ay heshay warbaahinta Mustaqbal ayaa sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka uu kamid yahay mas’uuliyiinta sare ee ka qaybgalaya munaasabaddaas xusuusta leh. Magaalo madaxda Jabuuti iyo Carta ayaa waxaa ku qulqulaya madax, siyaasiin, iyo xubno ka socda bulshada rayidka, oo isugu yimid si dib loogu xusuusto dedaalka Jabuuti ay ku bixisay nabadaynta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Magaalada Carta, oo ku taalla gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waa goobtii uu ka dhacay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee sanaddii 2000, kaas oo lagu dhisay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya. Halkaas ayey kasoo billaabatay silsiladda dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya, waxaana tan iyo markaas dalka soo maray lix madaxweyne, oo uu ku jiro madaxweynihii lagu doortay doorashadii ugu dambeysay ee dalkaas lagu qabtay.
Munaasabadda lagu xusayo 25 sano guuradii Carta waxay Jamhuuriyadda Jabuuti u tahay fursad ay dunida ku tusayso kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.