Fah Faahin Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka aaso,isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ee PMPF xili ay marayeen afaafka hore ee Hotel Boosaaso.

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaasi oo saarnaa gaariga uu haleelay qaraxa.

Dhaawaca askarta ayaa waxaa la geeyay isbitaal ku taalla Magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa qarax lagula eegtay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax,isagoona ka badbaaday,hayeeshee waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaaladiisa,waxaana sheegtay Daacish.