Fanaan hore Bacalwaan oo geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa xalay goor dambe dalka Germany ku geeriyooday Fanaankii weeynaa ee  Cabdi Cali Bacalwaan oo isbitaal ku yaala dalkaas ku xanuunsanayay maalmihii la soo dhaafay,

Fanaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo dhibaato ba’an ku haya Caalamka, waxaana la sheegay in Marxuumka ay xaaladiisa caafimaad  liidatay maalmihii u dambeeyay wuxuuna ku jiray Coma oo ah xaalad miir dabool ah .

Alle ha u Naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Wuxuu ahaa heesaa , mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.

Cabdi Cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada waabari.