Farmaajo oo Ka Hadlay Dagaalkii Raaskambooni iyo Caqabadaha Dowlad-Dhiska Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hadal qoraal ah ka soo saaray dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose. Farmaajo ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada dagaalkaas, oo dhex maray ciidamo Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuna tilmaamay tusaale kale oo muujinaya xaaladda adag ee uu dalku wajahayo.

Qoraalka Farmaajo waxa uu u dhignaa sidan: “Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna, waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda: hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada.

Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidaas awgeed, waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxgaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagaan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir aynu uga gudubno caqabadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda Dastuurka, musuqmaasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.”

Dhammaad.