Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taasi oo shalay madaxweyne Deni uu sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay.
Farmaajo, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda xilka haya ugu baaqay inay ka qeyb-galaan shirkaas, inkasta oo aanu caddeyn in isaga uu ka qeyb-galayo iyo in kale.
Farmaajo ayaa sidoo kale uga baaqay xildhibaanada labada aqal in inta shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.
Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado.
Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.