Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Muritaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane Maxamed Walad Cabdicasiis  iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xiriirkan uu asaas u noqdo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Dal, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xiriir iskaashi.