Fatahaad laga cabsi qabo in ay sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeele.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay iyo roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay dhulka sare ee Ethiopia.

Warbixin ay soo saareen hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in 2 ilaa 3-da maalmood ee soo socda uu wabiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro.

Dadka deggan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan ayaa looga digay inay sii daganaadaan aagaas, waxaana loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan.